Wb/so/Filimaanta

< Wb‎ | so
Wb > so > Filimaanta

Soomaalidu maaha dad taariikh ahaan uleh jilidda filimada, laakiin waxay aad ugu horeeyaan xaga jilista ruwaayadaha. Laga soo bilaabo xilligii uu Gumeystuhu katalin jiray dhulka ay Soomaalidu dagto ilaa hadda Soomaalidu waxay jileen ama mataleen ruwaayado kor udhaafay kumanaan balse lama sheegin filin ama musalsal caan noqday oo ay mataleen Jilayaasha ruwaayaduhu ama dadka kale ee kulugta leh fanka. Soomaalidu filimaanta ay aadka udaawadaan waxa ugu horeeya filimada Hindiga ah, kuwaasoo aad looga daawado dhulalka ay dagaan Soomaalidu iyaga oo lagu turjumay afka Soomaaliga ah. Filimaanta Maraykanka ah daawashadiisu aad uguma badna dhulka Soomaalida marka laga reebo magaalooyinka waaweyn oo ay imika kusoo badanayaan daawashadoodu.

Template:Wb/so/Commons

Commons
Commons
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro